Collaboration between togdheer university and Haramaya University

“𝙒𝙖𝙭𝙖 𝙞𝙣𝙤𝙤 𝙝𝙞𝙧 𝙜𝙖𝙨𝙝𝙖𝙮 𝙜𝙪𝙪𝙡 𝙠𝙖𝙡𝙚 𝙤𝙤 𝙩𝙖𝙖𝙧𝙞𝙞𝙠𝙝𝙞 𝙖𝙝”.

Madaxweynaha Jaamacadda Haramaya ee Waddanka Itoobiya 𝗗𝗿. 𝗝𝗲𝗺𝗮𝗹 𝗬𝗼𝘂𝘀𝘂𝗳 𝗛𝗮𝘀𝘀𝗲𝗻 ayaa Martiqaad rasmi ah u fidiyey dhigiisa Jaamacadda Togdheer 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐛𝐚𝐬𝐢𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐧𝐨𝐮𝐫 𝐇. 𝐒𝐞𝐚𝐝 iyo wafti oo uu hoggaaminayey.

Martiqaadkan oo qaatay muddo saddex maalmood ah ayaa waxa ujeedadiisu tahay sidii labada Jaamacadood isaga kaashan lahaayeen Waxbarashada sare, Cilmi baadhista, tababarada, is-dhaafsiga barayaasha iyo ardayda, iyo kor u qaadida baahiyaha aasaasiga ah ee labada bulsho.

Ugu dambayntii, waxa heshiiskan iskaashiga ah qalinka ku duugay Madaxwaynaha Jaamacadda Togdheer Mudane 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐛𝐚𝐬𝐢𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐧𝐨𝐮𝐫 𝐇. 𝐒𝐞𝐚𝐝 iyo 𝗣𝗿𝗼𝗳𝗲𝘀𝘀𝗼𝗿. 𝗠𝗲𝗻𝗴𝗶𝘀𝘁𝘂 𝘂𝗿𝗴𝗲 𝗹𝗲𝘁𝘁𝗮, oo ah Madaxweyne ku xigeenka Jaamacadda, isla markaana ka wakiil ah Madaxweynaha Jaamacadda Haramaya 𝗗𝗿. 𝗝𝗲𝗺𝗮𝗹 𝗬𝗼𝘂𝘀𝘂𝗳 𝗛𝗮𝘀𝘀𝗲𝗻.

𝕋𝕠𝕘𝕕𝕙𝕖𝕖𝕣 𝕌𝕟𝕚𝕧𝕖𝕣𝕤𝕚𝕥𝕪

“𝐓𝐡𝐞 𝐋𝐢𝐠𝐡𝐭 𝐎𝐟 𝐓𝐡𝐞 𝐍𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧”