Training
𝗪𝗮𝗿𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻 Hordhac ah.
Todobaadkan, waxa si rasmi ah dhammaan kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Togdheer University u bilaabeen 𝗣𝗮𝗿𝗮𝘁𝗶𝗰𝗮𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗼-𝗰𝗮𝗿𝗯𝗶𝗻 la xidhiidha takhasusaadka Jaamacadda iyada oo todobaadkan gudihiisa ay ardaydu galinka hore dib ugu soo noqonayeen Jaamacadda.
Ardayda kuliyadda Caafimaadka ayaa ku qaadanayey Pratical-ka Lababaka kala duwan ee Jaamacadda, taas oo ay ka caawinayeen macalimiintu, dedaal dheeraad ahna ku bixinayeen sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarasho ee ardayda.
Kuliyadaha kale ayaa iyaguna bilaabmi doonaan barri subax oo taariikhda ku beegan tahay 04/11/2021, iyaga oo ku samayn doona 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗼-𝗰𝗮𝗿𝗯𝗶𝗻 qaar ka mid ah Shirkadaha waaweyn ee magaalada Burco.
- Date: November 4, 2021
- Category: Trainings